Puntland: Lacagta imtixaanaadka oo la dhimay

Image

GAROWE- Shir jaraa'id oo maanta magalada Garowe ku qabtay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Abshir aw-Yuusuf Ciise, ayuu kaga hadlay dood waalidiinta Puntland gaar ahaan kuwa dhallaankooda dhigtaan dugsiyada sare ka keeneen lacag lagu kordhiya ardayda ka baxaysa dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland. 

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu $10 ka dhintay racagtii la kordhiyay Ardayda oo markii hore laga dhigay $40. Abdshir aw-Yuusuf, waxuu tilmaamay inaan isbadal lagu samayn lacagta lagu kordhiyay Ardayda dugsiyada dhexe gaar ahaan fasalka 8-aad oo laga dhigay $15.

Abshir, ayaa carrabka ku dhuftay inay tixgaliyeen baahida shacabka gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan lacagtaasi bixin karin, isagoo xusay in mustaqbalka xal u heli doonaan culayska shacabka la saaray. 

Kordhinta lacagta imtixaanaadka Puntland, ayaa timi kadib markii Midowga Yurub joojiyay deeq lagu kabi jiray qaybta imtixaanaadka Shahaadiga ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM