Joocaar: " la dagaalanka jiriifka waa in layska kaashadaa"

Image

October 8, 2014 (GO)- Wasarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa ka hadlay cabashada ka imaanaysa kalluumaysatada xeebaha degmooyinka Garacad iyo Jariiban ee ku aadan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta badaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaradda Kalluumaysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xisri (Joocaar) oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in wasaaradda lasoo gaarsiiyey cabashada ka imaanaysa kalluumaysatada xeebaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

Joocaar ayaa intaas raaciyey soo afjaritaanka kooxaha jariifka xoogan ku haya xeebaha Puntland  u baahan tahay iskaashi dhexmara shacabka iyo dowladda, wuxuna tilmamay doonyo ka socda dalalka Yemen, Spain iyo Iiraan inay si sharci daro ah xeebaha uga kalluumaystaan.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa horay u sheegay inay masiibo qaran tahay xaalufka badaha Puntland lagu hayo haseyeeshee ilaa iyo hadda tilaabo muuqata lagama qaadin kooxaha jariifka wada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM