Wasaradda xannaanada xoolaha PL oo talaalaysa 4-milyan oo neef

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 20, 2014 (GO)-Wasaradda Xanaanada xoolaha Dowladda Puntland ayaa kooxo dhaqaatiir ah u diraysa gobollada si loo daweeyo afar milyan oo neef oo ari ah, kadib kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda ee Garowe.

Kulankan oo lagu sagootinayay kooxaha xoolaha soo dawaynaya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in uu barbar socda barnaamijkan tallaalka caruurta oo wasaradda caafimaadku ka bilaabayso goobaha ay degan yihiin dadka reer guuraaga ah,waxana kasoo qayb galay wakiilo ka socda FOA, UNICEF, WHO iyo wasiiro xukumadda ka tirsan.

Agaasimaha guud ee wasaradda xannaanada xoolaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay iskaashi caynkan ah la sameeyaan wasaradda caafimaadka kaasoo si toos ah loogu abaarayo tallaalka xoolaha iyo caruurta ka yar shanta sano ee reer guuraaga ah, wuxuna kooxahan dhaqaatiirta ah kula dardaarmay Maxamed Cabdiqaadir inay si wanaagsan waajibaadka saaran uga soo baxaan oo ay kusoo guulaystaan howsha loo igmaday.

Wakiillada FOA, UNICEF iyo WHO oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in wasaradaha caafimaadka iyo xannaanada xoolaha iska kaashadaan tallaalka xoolaha iyo caruurta taasoo sahlaysa in si fudud tallaalka caruurta reer guuraaga ah loo gaarsiiyo.

Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay ilaa labaatan kooxo caafimaad ahi raaci doonaan dhaqaatiirta xoolaha soo daweynaya, kooxahaas oo iyaguna soo talaali doona kumanaan caruur ah oo dhulka miyiga ah ku nool.

Wasaradda xanaanadda xoolaha Puntland ayaa sanadkii labo jeer samaysa tallaalka xoolaha, balse sanadkan waxaa xoolaha laga talaalayaa sida la sheegay xanuunnada Furuqa iyo Jadeecada sidoo kale agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa goobta ka sheegay in hal maylan oo neef la dawayn doono.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa qoysaska ugu baaqday inay caruurtooda uga faa'iideeyaan tallaalkan oo goobaha ay ku nool yihiin loogu keenayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM