Wasiir Dowlaha Caafimaadka Puntland oo geeriyooday

Image

03 January, 2015(GO)-Allaha u naxariistee waxaa magalada Galkacyo saaka ku geeriyooday wasiir Dowlihii wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jamac Cali kaaso maalmahan ku xanuunsanaa xarunta gobolka Mudug.

Geeridda wasiirka ayaa laga shaaciyay shirka isla xisaabtan ee kasocda magalada Garowe, waxaana Madaxweynaha Puntland sheegay inuu geeriyooday Cabdullaahi Jamac isagoo tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo shacabka Puntland ee uu ka baxay, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi shaqo wanaagsan hayay islamarkaana aan ku koobnayn xilkiisa qura ee gacan ku lahaa amniga.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuke iyo xubnaha golaha wasiirrada ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii uu katagay.

Wasiirka geeriyooday ayaa sidoo kale xilligii dowladdii Madaxweyne Farole soo noqday wasiir Dowlaha amniga Puntland, waxaana dhawaan Garowe ku geeriyooday ooridiisii.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM