Wasiir ku xigeenka cusub ee dekedaha PL oo maanta la dhaariyey

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxtooyada Garowe waxaa maanta lagu dhaariyey wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeedka, Cabdisalaam Ciise Toohe.

Shiikh Xassan Cabdi Cilmi oo ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland ayaa dhaariyey wasiir ku-xigeenka.

Madaxweynaha oo dhaarta kaddib hadley ayaa guul u rajeeyey Dr. Toohe oo sida uu tilmaamey ah qof hufan karti iyo aqoon ku filanna u leh xilka loo soo magacaabey.

Gaas ayaa kula dardaarmey mas'uulkan inuu si fiican uga soo dhalaalo howsha loo dhiibey, isagoo Ilaah uga baryey inuu u fududeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM