Wasiir ku xigeenka Dekadaha Puntland oo xilka laga qaadey

Image

Arbaco, September 2014 (GO)- Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdirashiid Gaani Cali ayaa wararka laga helayo xafiiska Madaxweynaha Puntland sheegayaan inuu xilkiisa ku waayay kadib markii uu dhaliil xoogan uu usoo jeediyay Axmed Cabdi Xaabsade oo dhowaan xukuumadda Gaas kusoo dhawaysay magalada Garowe.

Warar soo baxay tan iyo xalay ayaa sheegay mas'uulkaasi inuu ku waayay xilkiisa eedaynta uu Xaabsade u mariyay warbaahinta isagoo tilmaamey inaysan wax macno ah yeelan karin imaanshihiisa Puntland isla markaasna uu ka mid yahay dadkii Laascaanood gacanta u galiyay Somaliland.

''Imaanshaha Axmed Xaabsade wax macno ah oo ay samaynayso ma jirto, Axmed dembiyaduu galay wala ogyahay,  dhulkii uu bixiyay baa weli ku maqan gacan cadow, waala isticmaalay marka la isticmaalay oo dantii laga laha laga garayna inuu hadda yirahdo Puntland ban u soo noqday wax macno ay ii samaynayso malahan” ayuu yiri Gaani.

Balse wararka laga helayo madaxtooyadda ayaa sheegaya waraysiga uu Gaani bixiyay yahay mid saamayn ku yeeshay dhaq-dhaaqa iyo kulamo gooni gooni ah oo madaxtooyadda uga socday Xaabsade iyo madaxda Puntland, halka warar kale xusayaan in warqada xilka looga qaaday wasiir ku xigeenkaas miiska saaran tahay.

Maalmihii lasoo dhaafay magalada Garowe waxaa kusoo qulqulayay waxgarad kasoo jeeda Gobaladda Sool iyo Sanaag kuwaasoo looga yeeray madaxtooyadda Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM