​Wasiir Soocade "Dagaalka Suuj waa la soo afmeeray"

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade ayaa sheegay in howlgalka ciidanka Puntland ka wadeen deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal lasoo afmeeray islamarkaana lagu kala baxay, isagoo xusay in kooxdan laga saaray saldhig ay kujireen inkastoo firxadeed sida uu hadalka u dhigay wasiirku.

Maxamud Xasan oo waraysiga gaar ah siiyay caawa Radio Garowe, ayaa sheegay in firxadka kooxo yar oo dhibaataysan ku raad-joogaan ciidamada difaaca Puntland isagoo intaasi raaciyay inay jiraan maydad badan oo goobta dhooban waloow uu ka gaabsaday tirada mallayshiyaadka halkaasi lagu laayay.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay howl gal ciidanku ka wadaan deegaanka Garacad gobolka Mudug oo ku suganyihiin mallayshiyaadka la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin kooxda Shabaab, isagoo tilmaamay in ciidanku dhawaan soo gabagabeyn doonaan islamarkaana cagta marin doono kooxdan uu ku sifeeyay cadow kusoo duulay Puntland.

Mar wax laga weydiiyay nin dhaawac ah oo shacabka degmada Godob-jiiran gacanta ku dhigeen xilli hore caawa, wuxuu xusay inay jiraan dhaawacyo badan oo lahayo isagoo shacabka ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan islamarkaana cidii ay ka shakhiyaan soo ogaysiiyaan ciidamada ammaanka.

  • Arrimaha kale dagaalka ka cusub

Wararka kale ee uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in deegaanka Suuj ee gobolka Nugal kusuganyihiin ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland kuwaasi oo ku raad jooga haraadiga kooxo la sheegay inay kasoo baxsadeen goobta dagaalka kuwaasi oo ilaa hadda la hayn tiradooda rasmiga ah iyo halka ay ku suganyihiin.

Goob jooge magaciisa u qariyay sababo amni ayaa warsidaha GO, u xaqiijiyay in deegaano u dhow nawaaxiga halka lagu dagallamay lagu arkay mallayshiyaad katirsan kooxdaasi oo isqayb qaybiyay, waxaana tiradooda lagu qiyaasay 10.

Inkastoo mallayshiyaadka la arkay aysan ku sugnayn hal meel sidaan kasoo xiganayno goob joogaha, waxay u muuqdeen kuwo haboowsan oo aan garanayn goobta u socdaan, waxaana la sheegay inay kamuuqato rafaad xooggan.

  • Mallayshiyo gacanta lagu dhigay

Waxaa caawa ciidamada ammaanka Puntland isu soo gacan galiyay labo katirsan mallayshiyaadka ku sugnaa deegaanka Suuj, kadib markii 24 saac ee lasoo dhaafay ku hareeraysnaayeen ciidamada difaacu, waxaana raggan isa soo dhiibay ku warameen inay go'aan ku gaareen qaabkii godkan ay ku jiraan uga bixi lahaayeen, iyagoo ka dayriyay saanadda iyo noloshada qaybta weli harsan.

Marka laga yimaado labadan mallayshiyo waxaa horay gacanta ciidamada ugu jiray shakhsi kale oo kooxdaasi katirsanaa, kaasi oo  maanta gacanta ku dhigeen ciidamadu.

Wararka aan helayno ayaa xusaya in hadda ciidamadu ku hawlanyihiin sifaynta mallayshiyada deegaanka ku sugan, waxaana saraakiil aan la xiriirnay noo xaqiijiyeen inay arkeen maydad badan oo aan la cayimin tiradooda, balse xukuumaddu sheegtay inay dhawaan xogta rasmiga ah lawadaagi doonto warbaahinta.

  • Garacad iyo waxa ka cusub

Deegaanka Garacad, waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Puntland iyo taliyaha ciidamada qalabka sida, waxaana halkaasi ugu tageen ciidamado katagay dhinaca Godob-jiiran oo go'doon ku haya mallayshiyaad dagaal lagalay.

Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay inay u kuurgalayeen xaaladda deegaanka maadama tahay goobta mallayshiyadu kasoo tageen iyagoo doomo wata, islamarkaana soo dhisayeen niyadda ciidanka difaaca Puntland.

Majirto waxa dagaal oo ilaa maanta dhacay, balse ciidamada ayaa ku hareeraysan kooxdaasi oo la sheegayo inay ku suganyihiin halka loo yaqaano Kulub.

  • Maxaa socda dagaalka ka sakow?

Tan iyo markii mallayshiyadan la sheegay inay soo caga dhigteen deegaanka Garacad{Mudug} iyo Garmaal{Nugal}, waxaana socday howl gallo xooggan oo amniga guud ee Puntland lagu sugayo, waxaana heegan la galiyay difaaca iyo amniga iyadoo la sameeyay baaritaano dheeraad ah kaasi hadda kasocda magaalooyinka iyadoo lasameeyay baro-kantarool oo amniga lagu sugayo, waxaana si siman loo baarayaa dadka iyo gaadiidka.

Dhinaca kale waxaa socda gurmad xooggan oo loo fidinayo ciidamada ammanka Puntland, taasi oo ay iska kaashanayaaan shacabka iyo xukuumadda.

  • Goormaa howlgalka lasoo afmeerayaa?

Xukuumadda Puntland ayaa dhawaan sheegtay in dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab lagu soo gabagabayn doono muddo dhan 72-saacadood, waxaana waqtigaasi ka dhiman muddo kooban, balse dowladda ayaa aaminsan iyo waqtiga iyo howlgalku isa saamaxayaan iyadoo durba shaaciyay in mid kamid ah lagu guulaystay.

  • Bulshadu sidee u aragtaa howlgalkan socda?

Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si siman u taageeray go'aanka ka dhanka ah kooxdan soo cagadhigatay deegaanada Puntland, waxaana muuqata in bulshadu u hurtay howlgalkan dhiig iyo dhacaanba, waxaana magalada Garowe mudadii ugu dambaysay uu kasocda gurmad laxaad leh.

Wixii arrimahaasi kasoo kordha kala soco Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM