Wasiira Deegaanka oo ka waramay dhibaatooyinka Deegaanka

Image

October 29, 2014 (GO)- Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay qaar ka mid ah gobaladda inay ka jiraan dhibaatooyin deegaanka ku saabsan.

Barre ayaa arrintan ka hadlay xili uu maanta waraysi siiyay Radio Garowe wuxuna sheegay inay dadaalo xoogan oo lagu hagaajinayo deegaanka wadaan hase yeeshee aysan isku dhigmin baahida taagan iyo howlaha ay wadaan.

Arrinta ugu daran ee daagaanka ka jirta ayuu ku sheegay inay tahay xaalufka baahsan ee dhirta lagu hayo taasoo uu sheegay inay kasoo saareen go'aamo lagu xakamayno.

Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay maalinkii shalay gacanta ku dhigeen dhuxulaysato gaaraysa shan ruux iyo afar gaari oo nooca waa weyn kuwaasoo dhuxusha looga guray deegaan ka tirsan Gobalka Karkaar.

Wasiirka Deegaanka ayaa la waydiiyay badalka dhuxusha dadku waxay isticmaalayaan wuxuna ku jawaabay inaysan muuqan hadda baahi dhuxusha loo qabo isla markasna dadku ay isticmaali karaan Gaaska la shito.

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka Deegaanka ayaa safar ku tagay degmooyin ka tirsan gobaladda Nugaal,Karkaar iyo Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM