Wasiirada Dastuurka iyo Federaalka Puntland oo is-casishay
GAROWE Jan 24, 2015 [GO]- Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Garowe Online ka heley ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirada Dastuurka, Federaarlka iyo Dimuqaraadiyada Sahro Siciid Nuur madaxweynaha dowlada Puntland miiska u saartey qoraal ay xilka golaha wasiirada isaga casileyso.
Qoraalkaan oo sida wararku sheegayan adaxweynaha Puntland loo dhiibey inta uusan u dhoofin magaalada Bosaso ayaa la rumeysan yahay inuu ka aqabley wasiirada istiqaalada ay keentey.
Sababaha Wasiiradu ugu tagtey shaqada oo warsidaha Garowe Online isku taxaluujiyey inuu wax ka ogaado ayaa la rumeysan yahay iney la xiriirto faragalin Madaxweynuhu ku sameeyey arrimaha gudaha ee beesha Wabeeneeye oo ay kasoo jeedo.
Wasiirka Dastuurka Sahro Siciid ayey wararku intaas ku darayaan iney aad ugu xumaatey faragalinta lagu hayo arrimaha beesha iyada oo waqtigaan gacanta ku haysa xilka siyaasdeed islamarkaana aan waxba lagala socodsiin talaabooyinkan.
Xafiiska madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada Dastuurka ayaan weli ka hadlin is-casiladda iyo arrimaha siyaasdeed ee soo kordhey iyadoo warsidaha Garowe Online isku dayey inuu la xiriiro dhinacyadaas balse u suurtagalin.
Warar dheeraad ah
Wasiirada Dastuurka ayaa sidoo kale wararku sheegayaan inay is casishey kadib markii agaasimaha Wasaarada laga badaley. Madaxweyne Gaas ayaa isku bedeley labada agaasime ee Wasaaradaha Qorsheynta iyo Dastuurka kadib markii saraakiil ku sugan madaxtooyada Puntland wada shaqeyn dhexmari waydey agaasimahii hore ee wasaarada qorsheynta.
Sahro Siciid ayaa cabsho arintaas ku aadan madaxweynaha Puntland u gudbisay balse lagama aqbalin.
Isku-badalka labada agaasime ayaa lala xiriirinayaa qorshaha "New Deal".
GAROWEONLINE