Wasiirada Puntland oo meelmariyey xeer muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay.

Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM