Wasiirada Puntland oo meelmariyey xeer muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay.

Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM