Wasiirk Maaliyada Test

Image

December 11, 2014 (GO)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta horgeysey Golaha Barlamaanka miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015.

Wasiirka Wasaaradda Shire Xaashi Faarax ayaa xildhibaannada u sharaxay miisaaniyaddan cusub iyo siyaabaha loo qorsheeyey isagoo dhanka kale faah faahin ka bixiyey qaabkii loogu shaqeeyey tii la ansixiyey sanadkan sii dhammaanaya ee 2014.

Shire wuxuu sheegay in miisaaniyadda 2015 noqon doonto $60, 182, 159 (lixdan milyan, boqol siddeetan iyo labo kun; boqol konton iyo sagaal).

Wasiirka Maaliyada Shire

​Miisaaniyadda 2015 ayaa laban laab ka badan middii barlamaanku ansixiyey 2014 oo ahayd $29, 474, 476.83 (labaatan iyo sagaal milyan, afar boqol todobaatan iyo afar kun; afar boqol todobaatan iyo lix; dhibic sideetan iyo saddex).

Wasiirka oo taas wax laga weydiiyey wuxuu sheegay in kororka miisaaniyadda sabab u yihiin dakhliga dowladda iyo deeqaha caalamka laga filayo oo kordhay.

Kororkaan Misaaniyada ka muuqda ayaa waxaa lagu macneeyey inuu ka yimid lacago laga sugayo inuu  Bangiga Aduunka Dowlada ku kabi doono Puntland taasoo la filayo in la helo sanadka cusub waxaa kale oo lagu guul dareystey in la helo lacago Madaxweyne Gaas sheegey inuu ka helayo wadanka Turkiga, sidoo kale waxaa misaaniyada ka maqan laguna qorey inaan la helin lacago ay bixin jirtey shirkada shidaalka baarta Africa Oil taasoo dowladii Madaxweyne Farole la fulin jirtey mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha.

Shirkada Africa Oil ayaa weli haysata fasaxyada iney shidaal ka baari karto dhulka Puntland qaarkiisa halka Madaxweynaha Puntland si joogta ah ugu soo diraan diyaarada ka qaada magaalada Garowe gaysana wadanka Ethiopia halka dhinaca kale ay bixiyaan Hotelka inta uu jooga Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM