Wasiirka amniga Puntland oo tababar u xirey Booliska [Dhageyso]

Image

11 October, 2015 (GO)- Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa maanta kuliyda Carmo tababar ugu soo xirey qaybo ka tirsan booliska Puntland.

Mudane Qarjab oo ka hadley munasabadaan ayaa booliska kula dardaarmey iney u adeegaan shacabkooda islamarkaana daacad ka ahaadaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Qaybaha ka tirsan booliska Puntland oo tababarkaan u soo xirmey ayaa laga kala keeney gobolada Puntland kuwasoo la sheegey in tirakoob  lagu sameynayo islamarkaana aqoontooda ciidan kor loo qaadayo.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Puntland oo dhowaan loo magcaabey xilkaan oo sidoo kale goobtaas ka hadley ayaa ka codsadey booliska federaalka iney tageeraan booliska Puntland.

Dhinaca kale waxaa munaasabadaan ku sugnaa taliyaha ciidamada dowlada federaalka Somalia oo dhowaan safar ku yimid Puntland.

Booliska dowlada Federaalka oo awoodoodu yartahay ayaa tageero u badan gadiid iyo tababaro ka hela beesha caalamka ayaa safarka saraakiishooda ku timid Puntland u tahay guul balaaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM