Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Image
Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

GAROWE, Puntland – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil kale ee Wasaaradda.

Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.

Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay qaybinta miisaaniyadda degmooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in loo sinnaado qaybsiga khayraadka isla markaana si degdeg ah loo gaaro deegaannada aan weli helin adeegyada asaasiga ah.

Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.

Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.

Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa.

Guddoomiyaha Golaha, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku adkeeyey Xukuumadda in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Dawladda iyo isla-xisaabtanka si loo xaqiijiyo adeegyo hufan oo bulshada Puntland ka haqab tira baahiyahooda. Wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiillada uu sii wadi doono dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha xukuumadda si loo gaaro maamulka wanaagsan iyo horumar waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM