Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ballanqaaday dhismaha isbitaal heer caalami ah
GAROWE - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Mohamed Cismaan, Agaasimaha Guud, La-taliyaha Wasiirka, agaasimeyaasha waaxyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa warbixin ku saabsan xaaladda, waxqabadka iyo qorshayaasha horumarineed ee caafimaadka u jeediyey Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland.
Madaxda Wasaaradda ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay qorshayaasha horumarinta caafimaadka, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray tayeynta iyo horumarinta xarumaha caafimaadka, iyo sidoo kale daadejinta adeegyada caafimaadka heer gobol, degmo iyo deegaan.
Warbixinta Wasaaradda ayaa muujisay in guud ahaan gobollada Puntland ay ku yaallaan in ka badan 436 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo qayb muhiim ah ka qaata gaarsiinta adeegyada caafimaadka bulshada.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale ka warbixiyey guulaha muhiimka ah ee Wasaaraddu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka, kaas oo diiwaangeliyey in ka badan 1,000 xirfadle caafimaad, isla markaana siiyey shahaadooyin; hirgelinta Siyaasadda Daboolista Kharashaadka Caafimaadka (Cost Recovery Policy); diyaarinta qorshaha istaraatiijiyadeed ee caafimaadka 2026–2030; iyo dhismaha Machadka Caafimaadka Dadweynaha Puntland (Puntland Public Health Institute – PPHI).
Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay madaxda Wasaaradda su’aalo ka weydiiyeen heerka fulinta qorshayaashii horumarinta caafimaadka, sababaha keena dib-u-dhaca gaarsiinta adeegyada caafimaadka gobollada iyo degmooyinka fog-fog, iyo tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala xarumaha caafimaadka Puntland.
Wasiirka Caafimaadka, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, ayaa Xildhibaannada u xaqiijiyey in Wasaaraddu qorshayaasheeda ku jiraan helitaanka isbitaal heer caalami ah oo dabooli kara adeegyada caafimaad ee dadka reer Puntland ay hadda ugu safraan dibadda. Waxa uu sidoo kale sheegay in la sii tayeyn doono xarumaha caafimaadka ee hadda jira iyo adeegyada ay bulshada u fidiyaan.
Wasiirka ayaa ugu dambayn Xildhibaannada ka codsaday inay kaalintooda ka qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda caafimaadka Puntland, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka loona daboolo baahiyaha bulshada.
Kulankan oo qayb ka ahaa Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Abdirisak Ahmed Said, waxaana ku wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mohamed Mahamud Esse.
GAROWE ONLINE