Wasiirka Cafimadka Puntland oo beeniyey inuu is casiley [DHEGEYSO]

Image

June 28, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa beeniyey warar lagu baahiyey qaar kamid ah mareegaha internetka oo sheegayey in uu xilkaas iska casiley.

Cuuke ayaa waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe isaga oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wasiirka Caafimaadku wuxuu been abuur ku tilmaamay warqad magaciisu ku saxiixan yahay, taas oo lagu sheegay inuu is casiley maadaama Cuuke xil doon ahayn, islamarkaana layska soo magacaabay isagoon fikirkiisa waxba laga weydiin.

Dhanka kale, Cuuke wuxuu sheegay in dhowaan uu kusoo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, si uu ula wareego xilka.

WARQADDA BEEN ABUURKA AH:

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM