Wasiirka caafimaadka Puntland oo gaarey magaalada Galdogob

Image

23 August, 2015 (GO)- Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa gaarey manata gaarey magaalada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Waftiga wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasiga ah iyo saraakiil ka tirsan wasaarada.

Wasiir Naasir cuuke oo dhowaan xilkaan loo magacaabey ayaa booqashadiisu la xiriirta sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada caafimaad ee gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Mudane Cuuke ayaa dhowaan booqasho ku tagey gobolada bari isagoo halkaas kula kulmey bulshada ku nool islamrkaana u kuur galey xaaladooda caafimaad.

Wasaarada caafimaadka Puntland oo waxqabadkeedu kor u kacey lixdii sano ee ugu dambeysay ayaa kamid ah hay'adaha dowliga ee fara-kutiriska ah ee sida loo ogmadey u qabsado howl-maalmeedkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM