Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay shir ka dhacay Kuwait

Image
Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ka warbixiyay shir ka dhacay dalka Kuwait oo looga hadlay arrimo ku saabsan xaaladda caafimaad ee wadamada ku bahoobay ururka cafimaadka Adduunka ee (EMRO/WHO).

Shirka oo sannadkii hal mar la qabto ayaa wasiirku sheegay inay ku gudbiyeen baahiyaha dhanka caafimaad ee ka jira Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay 22-ka wasiir Caafimaad ee dalalka ku jira hay'adda Cafimaadka Adduunka.

Cabdinaasir Cismaan Cuke, oo dhaawan ku soo laabtay Puntland ayaa xusay in loo sameeyay ballanqaado isugu jira adeegyo caafimaad iyo dhismayaal  laga hirgalinayo Puntland, kuwaasi oo ay u ballan qaadeen hay'ado khayri ah oo ka asaasan dalka Kuwait.

Cuuke ayaa tilmaamay inuu booqday Safaaradda Somalia ee dalkaasi, waxayna ka wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahayd soo gudbinta ballanqaadyada loo sameeyay, wuxuuna uga mahadceliyay dhammaan bulshada reer Puntland ee dalkaasi dadaalada ugu jiraan hormarinta waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM