Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay shir ka dhacay Nairobi [Dhagayso]

Image

29 September, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cusmaan Ciise "Cuke" oo maanta shir jara'id ku qabtay Garowe ayaa hadlay shir ka dhacay magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Ha’yadda Caafimaadka adduunka ee WHO, waxaana  ka qayb galay qaar kamid ah deeq bixiyayaasha caafimaadak sida USA,UK, Findland, Sweden iyo Switzerland.

Cuke aya sheegay in  wasaaraddu leedahay barnaamij caafimaad oo haatan marayo gabo gabo, waxaana Puntland yimi sida uu xusay qolyo sameynayay qiimayn.

Shir ka Nairobi ayuu tilmaamay inuu ka soo jeediyay khudbad ku saabsan baahiyaha caafimaad ee ka jira Puntland, isla markaana kulamo hoose la qaatay Hay'addo ay ka mid tahay MSF oo uu sheegay inay u sameeyeen ballanqaadyo ku saabsan baahiyo uu u bandhigay.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay shirkaasi, isagoo carrabka ku dhuftay inuu dhawaan u bixi doono safarro kale

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM