Wasiirka Cadaalada Puntland oo qirey in xabsiyada laga sii-daayey Maxaabiis

Image

Dec 28,2014 [GO]- Wasiirka Cadaalada Puntland Ismaaciil Maxamad Warsame oo ka hadlayey kulan loogu magacdarey la xisaabtanka Xukuumada ayaa sheegey in xabsiga ku yaal Kontroolka Woqooyi ee magaalo madaxda Garowe laga sii daayey maxaabiista ku xirneyd.

Wasiirka oo ka hadlayey waxqabadkiisa ku aadan sanadka 2014 ayaa yiri " Maxaabiistii ku xirneyd Kontroolka Garowe dhamaan ooda ayaan ka qaadney" Halka ka dhageyso

Xabsiyada Puntland ayaa sanadka 2014 waxaa laga sii daayey Maxaabiis farabadan oo u xirnaa iney ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan dowlada Puntland oo su'aal la xiriirta in Maxabiista la sii daayey aheyd ururka Al-Shabaab iyo inkale ayuu ku jawaabey Wasiirka Cadaaladu in baaris kadib dadkaas ooda laga qaadey. Halkan ka akhri maxabiis ka tirsaneynd Al-shabaab oo la sii daayey

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo su'aalaha inta badan qaadanyey ayaa Wasiirka waydiiyey in wax ka qabteen culeysyada ka jira xabsiyada Puntland kuwaasoo maxaabiistu ku badan tahay. Wasiirka Cadaalada oo ka jawaabayey su'aashaas ayaa sheegey in xabsiyada dhisan ku filan yihiin Puntland iyadoo midka cusub ee ku yaal magaalo madaxda Garowe iyo Qardho culeys weyn ka qaadeen maxaabiista xirneyd.

Wararka ka imaanaya goobta uu ka socdo kulankaan ayaa sheegaya in Wasiirada canaan farabadan iyo caro kala kulmayaan Madaxweyne Gaas  iyadoo horey su'aalo kuwaas lamid ah golaha Xukumada u waydiiyeen Barlamanka Puntland.

Wax-qabadka golaha Wasiirada ka sheegeen sanadka 2014 ayaa u badnaa furitaanka iyo dhameystirka mashaariicda horey Puntland uga socotey kuwaasoo dowladii hore ee Madaxweyne Farole ka tagtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM