Wasiirka cusub Maaliyada dowladda Puntland oo xilka la wareegay

Image
Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Lugatoor ayaa goobjoog ka ahaa munaasabaddan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa munaasabadda kusoo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, horumarada laga sameeyay xagga maaliyadda Puntland ee uu Wasaaradda ku hoggaamiyey Wasiirkii hore Mudane Maxamed Dhabanacad iyo qorsheyaasha dhow iyo Kuwa fog ee ay Wasaaradu hiigsanayso.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Dhabanacad ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo madashaba la wadaagay Waxyaabaha u qabsoomay intuu xilka hayey, isagoo uga mahadceliyay Masuuliyiinta Wasaaradda Sidii wanaagsaneyd ee ay usoo wada shaqeeyeen intuu xafiiska joogay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Sidoo kalena waxaa uu dadaalkiisii shaqo uga mahadceliyay Wasiirkii hore Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Dowladda ee 5-tan sano ay ku jiraan horumar badan in laga sameeyo dhinaca adeega bulshada loo hayo, sidaasi darteed Wasaaradda looga baahanyahay in ay sii dardargeliso kor u qaadista dakhliga si Dowladdu awood ugu yeelato fullinta qorsheyaasheeda.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Saraakiil Madaxtooyo, Madaxda Maaliyadda heer Gobol, degmo iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM