Wasiirka Deegaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqday Eyl

Image

October 23, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Deegaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah booqday degmada taariikhiga ah ee Eyl oo ka tirsan Gobalka Nugaal.

Mas'uuliyiintan ayaa booqanaya sida loo sheegay Radio Garowe xarumaha shacabka sida caafimaadka,waxabrashada,Saldhiga Booliska iyo xarunta dowladda hoose.

Wafdigan ayaa ka kooban wasiirka Deegaanka, wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Puntland waxayna kulan la qaateen mamulka degmada iyo shacabka.

Duqa Degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf ayaa war bixin faah faahsan masuulitan ka siiyay xaaladda degmada waxa uu sheegay inuusan wali u dhamaystirnayn adeegyadda bulshadda sida xarunta booliska tan caafimaadka ayna muhiim tahay in Eyl oo ka mid ah degmooyinka ugu miisaanka culus Puntland hormarinteeda laga shaqeeyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Hay'adda CARE oo barnaamijyo ka wada Eyl inaysan waxba kala socon sidaasi darteedna ay wanaagsan tahay wax kasta oo degmada laga qabanayo lagu soo war galiyo gollaha deegaanka iyo mamulkiisa.

Wasiirka Deegaanka Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha Eyl ka jira ee dadku sheegeen wuxuna kula dardaarmay in lasii xoojiyo ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Cismaan ayaa sheegay arrimaha tabashadda dhanka garsoonka in wax laga qaban doono shacabka iyo mamulkana looga baahan yahay in iska kaashadaan nabadgalyadda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa horay u booqday Eyl wuxuna sheegay inay lagama maarmaan tahay ka shaqaynta hormarka Eyl maadama ay ka mid tahay degmooyinka ugu taariikhda wayn Somalia.

GAROWE ONINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM