Wasiirka Dekedaha "210 milyan ayaa ku baxaysa mashruuca dekedda"

Image

June 2, 2015 (GO)- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa faah faahin ka bixiyey mashruuca lagu dhisayo dekedda magaalada Bosaso kaasoo lagu wado inuu bilowda bisha September ee soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca ay fulin doonto shirkad lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C, islamarkaana uu ku bixi doono adduun lacageed oo gaaraya $210, 000, 000 (labo boqol iyo toban milyan oo doolar)

Dib-u-habayn iyo ballaarin ayaa lagu sameyn doonaa qaybaha dekedda, waxaana lagu soo kordhin doonaa hoolal lagu kaydiyo badeecooyinka, qaybta la dhigo konteenarrada, wiishashka qaada konteenarrada, qaybta kaydka shidaalka iyo xafiisyo maamul.

NAQSHADDA LOO DHISAYO DEKEDDA:

Naqshadda Dekedda Bosaso

May 29, 2015 ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Dekeduhu wuxuu madaxtooyada Bosaso ku daah furay mashruuca lagu dhisayo dekedda.

Dowladdu wax tafaasiil ah kama bixin muddada uu qaadan doono mashruucu iyo weliba muddada shirkaddaasi hayn doonto maamulka dekedda. Divers Marine Contracting L.L.C ayaa ah shirkad dhowaan la asaasay, waxaana iska leh ganacsade Falastiini ah balse deggen dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa xusid mudan in horay qorshuhu u ahaa in mashruucaas lagu wareejiyo Shirkadda DP World oo iyadu ah shirkad caalami ah kana shaqeysa in ka badan konton dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM