Wasiirka Duulista PL oo ka warbixiyey qandaraaska Garowe Airport

Image

March 25, 2015 (GO)- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qandaraaska lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacadda Badhan.

Wasiirku wuxuu sheegay in March 23, 2015 magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta lagu daah furey wejiga labaad ee qandaraaska oo ay ku tartamayaan afar shirkadood.

Dukumiintiyada shirkadaha ayuu sheegay in si qoto dheer loo baari doono islamarkaana dhowaan la shaacin doono shirkadda guuleystey.

Wasiirka oo sidoo kale Radio Garowe weydiisey shuruudaha lagu xulanayo shirkadda guuleysatay, wuxuu sheegay inay kamid yihiin:

  • Inay soo dhameystirto dhammaan shuruudaha qandaraaska.
  • Inay dhaqaale haysato.
  • Leedahay khibrad shaqo oo fiican.
  • Haysato qalab iyo xirfadleyaal tayadoodu sarreyso.
  • Awoodina karto inay shaqada bilowdo xilli kasta.

Afarta shirkadood ee tartamaya waxaa labo kamid ah laga leeyahay dalka China labada kalena wuxuu fadhigoodu yahay dalka Turkey.

Maalgalinta dhisamaha garoonka diyaardaha Garowe iyo Jaamacada Baran ayaa waxaa ku deeqey hay'adda Kuwait Fund.

Saddexda asbuuc ee soo socda gudahooda ayaa la filayaa in la shaaciyo magaca shirkadda ku guuleysatey qandaraaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM