Wasiir Odowaa oo Garowe soo gaaray

Image

16 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen "Odawaa"ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe oo ka furmay shir looga hadlayo doorashada 2016.

Safarkan oo aan loo horay loo sii shaacin ayaa salka ku haya arrimo shirarkan ka socda Somalia qaybo ka mid ah kaasi oo looga hadlayo qaabka doorashadu noqonayso, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxda Puntland.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo xubno ka socda Barlamanka Somalia ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin waftiga wasiirka.

Imaanshaha wafdigan ayaa yimi ka dib markii maanta Garowe iyo shan magaalo oo Puntland ka mid ah ka furmay shir looga hadlay qaabka doorashada sannadka dambe noqon doonto, waxaana ka qayb galay argooyin gaaraya wadar ahaan 600 boqol.

Kismayo, Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado ayaa kulamadan oo kale ka socdaan, waxaana Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo la hadlay warbaahinta dowladda ku baaqay in shirarkan laga ilaaliyo khilaafka, xubnaha ka qayb galayana ka dhiibtaan arragti saliim ah, wixii ka soo baxana noqon doonaan masiirka shacabka Somaliyeed.

GAROWEOLINE  

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM