Wasiirka Qorsheynta Puntland oo iska-casilay xubinimada Ururka KAAH

Image
Is-casilaadda Faroole ayaa kusoo aadaysa xilli Puntland ay u jiheysatay doorasho dadban.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Qorsheynta Puntland, Maxamed Faroole, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga Kaah, sidda ku xusan qoraal rasmi ah oo uu ku faafay baraha bulshadda.

Mr Faroole oo xilka wasiirka loo magacaabay xilli ay jireen is-diidoodin siyaasadeed ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay doorkii uu xisbigu ka qaatay khalkhal gelinta amniga Puntland.

"Xisbiga Kaah waxa ku jira hoggaamiyayaasha hubaysan ee mucaaridka, doorashona waa ka qaban waayey gobolkayga Nugaal, wixii dhib dhacay waxa ka mas'uul ah KAAH." ayuu yiri.

Is-casilaadda Faroole ayaa kusoo aadaysa xilli Puntland ay u jiheysatay doorasho dadban isla markaana uu fashilmay mashruucii Saciid Deni ee ku saabsanaa coddeyn qof iyo cod oo lagu daabay muddo kororsi. 

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

May be an image of text

May be an illustration of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM