Wasiirka Warfaafinta DF oo ka hadley JL iyo Puntland [Dhageyso]

Image

July 31,2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirka shalay kusoo idlaaday magaalada Muqdisho iyo saameeynta maamuladda ka maqnaa shirka.

Wasiir Maareeye ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in shirka shalay Muqdisho lagu soo gabagabeyay uu Soomaaliya u ahaa guul taariikhi ah isla markaana laga soo saaray qodobo muhiim ah.

Docda kalle Mareeye ayaa waxaa uu xildhibaanadda Baarlamaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhiira galiyay in ay dowladda wakhti kororsi u sameeyaan.

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dowlaha qaybta ah ee Jubbaland iyo Puntland oo ka maqnaa shirkaasi isagoona tilmaamay in ayna saameeyn ku yeelan doonin shirkaasi maqnaashiya labadaasi dowladood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM