Wasiirka Warfaafinta DF oo ka hadley JL iyo Puntland [Dhageyso]

Image

July 31,2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirka shalay kusoo idlaaday magaalada Muqdisho iyo saameeynta maamuladda ka maqnaa shirka.

Wasiir Maareeye ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in shirka shalay Muqdisho lagu soo gabagabeyay uu Soomaaliya u ahaa guul taariikhi ah isla markaana laga soo saaray qodobo muhiim ah.

Docda kalle Mareeye ayaa waxaa uu xildhibaanadda Baarlamaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhiira galiyay in ay dowladda wakhti kororsi u sameeyaan.

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dowlaha qaybta ah ee Jubbaland iyo Puntland oo ka maqnaa shirkaasi isagoona tilmaamay in ayna saameeyn ku yeelan doonin shirkaasi maqnaashiya labadaasi dowladood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM