Wasiirka Warfaafinta oo isimadda Puntland ku tilmaamay “Dimuqraadiyad diid”

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in shirka Isimada oo koobanaa garab taageersan mucaaradka oo kaliya.

Tani waa jawaabtii ugu horeysay oo toos ah oo ay bixiso dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka degayo Saciid Cabdullahi Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Hay’ado ku shaqo leh Doorashada sida Guddiga Doorashada lagu muransanyahay ee PEC, Baarlamaanka iyo maxkamadda Dastuuriga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Isimada aanay waxba kaga duwanayn dadka kale, isla markaana uu go’aankoodu yahay aragti.

"Isimmada ma noqon karaan Marjic, waxay sidaas ahaayeen markii Puntland la dhisayey, maanta Baarlamaan baan leenahay."

Wasiirku ayaa Isimmada dusha ka saaray cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aamadii ay soo saareen sida uu hadalka u dhigay, isagoo carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan hanaanka doorasho ee muranka ka taaganyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM