Wasiirka Warfaafinta PL oo ka hadley shirka Garowe [Dhageyso]

Image

GAROWE, May 1,2015 (GO)- Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran oo ka hadley halka uu marayo khilaafka ka taagan shirka Garowe gaar ahaan gobolka Mudug ayaa sheegey in weli xal laga gaarin khilaafka taagan.

Indhaguran ayaa sheegey in Puntland oggolaan karto oo kaliya heshiis dhexmara labada dhinac balse aysan aqbaleyn in warsaxafadeed ku ekaado mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka la doonayo in loo dhiso gobollada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa weli ku sugan magaalo madaxda Garowe iyada oo maanta qado loogu sameynayo halka la yiraahdo Jibo-gale oo ku taal duleedka magaalo madaxda Puntland.

Xaflad lagu qabtey xaley madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa waxa khudbado ka jeediyey madaxda dowlada Federaalka, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM