​Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafada digniin u direy [Qoraal]

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocade, ayaa qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa waxa uu ugu hanjabay warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntlan isagoo dul dhigay ammaro uu ku joojinayo inay qaadaan; waraysiyo, sawirro iyo qoraalo ku saabsan shakhsiyaad uu si dadban u sifeeyay.

Soocadde, ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono islamarkaana maxkamad la horgayn doono wariyaasha iyo warbaahinta aan fulin amarkiisa.

Qoraalkan maanta soo baxay oo soo gaaray warsidaha Garowe Online, ayaa u dhignaa qaabkan hoose;

Waxaa jirta in beryahan dambe ay saxafadda qaarkeed caado ka dhigteen inay si bareer ah u tebayaan barnaamijyo warar ama qoraalo aan run ahayn,kuwaasoo waxyeelo ku ah wadajirka shacabka walaalaha ah ee Puntland.

Waxa kale oo waayadan dambe, qaar ka tirsan warbaahintu waraysiyo ka qaadaan shaqsiyaad nabad-diid ah oo xiriir la leh kooxaha argagaxisada ah sida, Daacish iyo Burcad badeed iyadoo ujeedadu tahay in mar kale dib loo soo abaabulo dagaalkii ay kooxahaasi horay ugu jabeen ee ay la galeen ciidamad ageesiyaasha ah ee Puntland, kuwaasoo taageero ka helayay shacabkooda difaacayna dalkooda iyo dowladnimadooda sidii awalba lagu yaqaanay.

Sidaas darteed, waxaa dhammaan warbaahinta ka howl-gasha Puntland lala socod siinayaa cid allaale iyo ciddii baahisa muuqaal,cod,qoraal iyo sawir ka turjumaya arrimaha aan kor kusoo sheegnay ama waraysi ka qaadda shaqsiyaad ku hawllan daadinta dhiigga shacabka reer Puntland iyadoo ujeedadoodu tahay iska hor keenka dadka Puntland loona qaybiyo hab-qabiil si ay u fuliyaan danahooda gurracan ee argagaxisda, in laga qaadi doono tillaabo sharciga waafaqsan lana horgeyn doona caddaalada.

Ugu danbeyntii warbaahintii aan u dhago nuglaan amarkan waxaa hubaal ah in aanay dib uga howl gali doonin deegaanada Puntland.

Qoraalkan, ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta gudaha aad uga hadashay Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, kaasoo shalay gaaray deegaanada laamiga dhaca ee gobolkaasi, waxaana qoraalkan si toos ah u khuseeyay Gallan.

Maaha tallaabadii ugu horraysay ee wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland ugu cago jugleeyo qaar kamid ah warbaahinta madaxa bannaan, waxaana dadka sida aadka ugu xeel dheer arrimaha saxaafadda ku sifeeyeen hanjabaadan mid ka hor imaanaysa xorriyatul qowlka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM