Wasiirka Waxbarshada DFS oo booqasho ku yimid Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada dowlada Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe oo beri uu shir uga furmayo iyaga iyo madaxda wasaarada waxbarshada Puntland.

Waftiga Wasiirka DF Soomaaliya oo u ka mid yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaas waxaa garoonka diyaradaha Garowe ku soo dhaweeyey wasiirka waxbrashada Puntland Abshir Yuusuf iyo masuliyiin kele.

Waftigaan ayaa  markay yimadeen waxay hore ka bilabeen kormeerida xafiisyada waaxyaha kala duwan ee xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland .

Maalinimada berito oo khamiisa ayaa waftigan iyo madaxda wasaarada waxbarashada Puntland waxa u furmy shir lagaga hadli doono Sharciga iyo siyaasada waxbarashada manhajka, midaynta imtixaanaadka iyo qodobo kele.

Booqashada Wasiirka Waxbarshada dowlada Federaalka Somalia ayaa imaanya xilli dhowaan  Wasaarada Waxbrashada Puntland  diiday Manhaj cusub oo ay dejisay Dowladda Federaalka  Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM