Wasiirkii Cadaaladda Puntland oo is casiley [ Dhageyso]

Image

June 13, 2015 (GO)- Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa saaka oo Sabti ah ku dhawaaqay inuu is casiley.

Shir-jaraa'id oo goor dhow uu ku qabtey xafiiskiisa magaalada Garowe ayuu ku shaciyey is-casilaadiisa.

Warsame oo warbaahintu u sheegey saxaafada in sideeda bilood ugu dambeysay madaxweynaha Puntland isku fiicneyn kadib markii mushahar la'aan lasoo gudboonaatey ciidamada Asluubta.

Is-casilaada wasiirka ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayey maalmahaan isku-shaandhenyn lagu sameynayo golaha wasiirada Puntland taasoo kor u qaadey khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa kadib markii ay isku qabsadeen badalaada iyo magacaabista xubno hore iyo kuwao cusub.

Wasiirka Cadaalada ayaa waxaa damacsan inuu xilkaan ka qaado madaxweyne Gaas halka madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu diidan yahay. Halka ka akhri Faalo ka hadleysa khilaafkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM