Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ku baxay colaada Gabeedka Mudug

Image
Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedkan.

GAROWE, Puntland - Wasiiro katirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaarey deegaamo katirsan Galbeedka gobolka Mudug oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux kadib dagaalo u dhexeeya malayshiyaad kala taabacsan laba beelood.

Mas'uuliyiintaan oo ka kicitimay magaalada Galkacyo ayaa shaaciyey inay ku guulaysteen xabad joojin deg deg ah oo deegaamadaasi laga hirgeliyey.

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu dib u qarxi karo maadaama labada ciidan is horfadhiyaan. Dhaawacyada ka dhashay dagaalkan waxaa la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay nabadda ka shaqeeyaan, una tanaasulaan danta guud ee shacabka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM