Wasiiro uu magacaabay madaxweyne Deni oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba.

Isla’ markaana, waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda, taas oo ay maanta ku dhaarteen magaca Alle inay shacabkooda ugu shaqeeyaan si daacad ah oo danta, dalka iyo diintu ku jirto.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiirada cusub in uu ku asturo shaqadooda, uuna ka yeelo kuwo si daacad ah, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM