Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Puntland oo Garowe yimi

Image

19 December, 2015(GO)-Waxaa maanta Garowe lagu soo dhaweeyay wasiirrada wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo amniga Puntland kadib safarro uga yimaadeen dalalka Kenya iyo Maraykanka.

Soo dhaweyn kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula labada wasiir iyagoo ka warbaxshay safaradooda, waxaana wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan uu sheegay in safarkiisu qaatay bil iyo bar islamarkaan ku tagay waddamada Britain iyo USA.

Karaash ayaa sheegay inuu la soo kulmay bulshada ku nool labadaasi dal gaar ahaa jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna tilmaamay inuu kala soo hadlay maalgashiga iyo hormarinta dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inuu lakulmay sarkaalka ugu sareeya Booliska magalada Boston ee dalka Maraykanka oo kala hadlay qaabkii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen tababarada iyo aqoonta Boliiska.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa xusay inuu Kenya gaar ahaan Nairobi u tagay shir la xiriira amniga iyo hormarka, wuxuuna xusay inuu ugu soo dhammaaday guul.

Qarjab ayaa bulshada Puntland ku booriyay in looga baahanyahay sidii looga qayb qaadan lahaa hormarka dalka, wuxuuna ka mahadceliyay safarkii dheeraa ee wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ku maqnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM