​Wasiirro kale oo Madaxtooyada Puntland lagu dhaariyay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 09 August 2017 xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe lagu dhaariyey labo Wasiir iyo hal Wasiir ku-xigeen oo kamida golaha xukuumadda cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

1.      Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda                        Duulista Hawada iyo Garomada Puntland

2.      Cabdinuur Cilmi Maxamuud ( Biindhe) Wasiirka Wasaaradda             Beeraha iyo Waraabka

3.      Saciid Faarax Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda                     Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa ah saddex xubnood ee lagu dhaariyay Garowe, kuwaaasoo kamid ahaa xukuumaddii hore.

Munaasibadda dhaarinta  waxaa goob joog ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland.

Gaas, ayaa wasiirradiisa kula dar-daarmay inay kasoo baxaan mas'uuliyadda loo dhiibay isagoo ka codsaday inay dadka dalka si hufan ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuuliyiintani inay markasta ka fogaadaan kana dheeraadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ay  xilkasnimo iyo daacadnimo ugu adeegaan shacabkooda.

Lama oga sababta keentay in xubnaha ka baaqdaan dhaarintii horay loogu sameeyay wasiiradii hore, iyadoo la sheegay in xubnaha qaybtood saluug ka muujiyeen wasaaradaha cusub ee loo wareejiyay.

Axmed Karaash ayaa horay u ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, halka Biindhe uu ahaa Wasiirka Kalluumaysiga.

Golaha cusub ayaa dhawaan hortagi doona Barlamanka Puntland si ay u helaan Kalsoonida Xildhibaanada.

Dhawaan ayay ahayd markii la kala diray Xukuumadii hore markii Barlamanku ku eedeeyay inay ku fashilmeen shaqadii loo dhiibay.

Gaas ayaa soo celiyay wasiirradii hore badankooda inkastoo uu u kala wareejiyay wasaaradaha.

Lama oga inay heli doonaan Xasaanadda Xildhibaanada, balse waxaa loo badinayaa in la ansixin doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM