​Waxbarashada Puntland oo la ammaanay

Image
Image
Image
Image

Wasiirka wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, ayaa ka hadlay safar muddo saddex maalin ah uu ku joogay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, kaasi oo salka ku hayay aqoon kororsi dhanka waxbarashada ah.

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, wasiirka wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa Puntland ku ammaanay hormarka ay ka sameeyeen dhinaca tacliinta isagoo sheegay in socdaalkooda oo labo qayb ahaa la xiriiro sidii ay khibrad uga heli lahaayeen Puntland, maadama ay jirto muddo 19-sano ah.

Caliyoow, wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada iyo wax kabadal lagu sameeyo manhajka waxbarashada ee maamulkiisa, isagoo shaaciyay inay durba sameeyeen isbadal xoog leh.

Wuxuu sheegay inay ballanqaad ka heleen  Puntland, taasi oo ku aadan inay ka taageerayaan dhinacyada tayaynta macalimiinta iyo wax kabadalka manaahijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Puntland ahmiyadda ay siisay waxbarashada.

Socdaalkan, ayaa yimi xilli qorshe sidaan oo kale ah horay u sameeyeen maamulka Jubbaland kuwaasi oo tababaro iyo aqoon isweydaarsi dhinaca maaliyadda ah ka qaatay wasaaradda maaliyadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM