Waxgaradka Nugaal oo baaq kasoo saaray xiisadda ka taagan Qarxis [DHEGEYSO]

Image

June 25, 2015 (GO)- Waxgaradka iyo odayaasha gobolka Nugaal ayaa magaalada Garowe ku yeeshay kulan looga hadlay amniga gobolka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Qarxis.

Waxgaradka ayaa isku raacay in si wadajir ah laysaga kaashado ilaalinta nabdgelyada islamarkaana hal meel looga soo wada jeesto cid kasta oo loo arko in ay amniga iyo xasilloonida khal khal gelineyso.

Shirka waxaa lagu doortay guddi ka kooban 25 xubnood, kuwaasoo howshoodu noqon doonto xal u helista xiisadda taagan.

Baaqa waxgaradka iyo odayaasha gobolka Nugaal ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay deegaanka Qarxis tageen qaar kamid ah culimaa'uddiinka Puntland, kuwaasoo la kulmay dhinacyada deegaankaas isku hor fadhiya uguna baaqay inay colaadda ka baaqsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM