Puntland: Weerar lagu qaadey Maxkamadda Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Bambaanooyin dhowr ah ayaa lagu weeraray xarunta maxkamadda darajada Kowaad ee magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, galinkii hore maanta.

Weerarkaas, waxaa dhibaato kasoo gaartay ilaa saddex ruux oo shacab ah kuwaaso qaba dhaawacyo kala duwan.

Lama oga sababta Bambada loogu tuuray maxkamadda oo markaas kasocotay kiis Madani ah, oo inta badan la  qaado maalinta sabtida.

Goob jooge ku sugnaa goobta falkaasi ka dhacay ayaa GO u sheegay in saddex Bambo lagu tuuray Maxkamadda oo dhagaysanaysay Dacwad Madani ah.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

Balse, kooxaha Argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan weerarada oo kale ka gaysta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM