Weerar loo gaystey saldhiga Booliska Baalade ee Bosaso

Image

BOSASO, April 17,2015 ( GO)- Dabley hubeysan ayaa caawa soo weerartey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal galbeedka magaalada Bosaso.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax weyn oo jugtiisa laga maqley inta badan xafaadaha magaalada, waxaana xigey rasaas socotey qaddar toban daqiiqo ku dhow.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka, balse wararka hordhaca  ah ee Garowe Online helayso ayaa sheegaya in la dhaawacay taliyihii saldhigga booliska Baalade.

Mas'uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan, balse Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ahaa horay Bosaso uga fulisey.

Labo bilood kahor ayey ahayd markii Al-shabaab soo weerartey saldhigga Baalade, weerarkaas waxaa ku dhaawacmey hal askari, gaari boolisku lahaana waa lagu gubey.

Wasaarada amniga ayaan weli ka hadlin weerarada kooxahaan u gaysanayaan ciidamada booliska iyo xarumahooda ku yaal magaalada Bosaso.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM