Weerar loo gaystey saldhiga Booliska Baalade ee Bosaso

Image

BOSASO, April 17,2015 ( GO)- Dabley hubeysan ayaa caawa soo weerartey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal galbeedka magaalada Bosaso.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax weyn oo jugtiisa laga maqley inta badan xafaadaha magaalada, waxaana xigey rasaas socotey qaddar toban daqiiqo ku dhow.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka, balse wararka hordhaca  ah ee Garowe Online helayso ayaa sheegaya in la dhaawacay taliyihii saldhigga booliska Baalade.

Mas'uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan, balse Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ahaa horay Bosaso uga fulisey.

Labo bilood kahor ayey ahayd markii Al-shabaab soo weerartey saldhigga Baalade, weerarkaas waxaa ku dhaawacmey hal askari, gaari boolisku lahaana waa lagu gubey.

Wasaarada amniga ayaan weli ka hadlin weerarada kooxahaan u gaysanayaan ciidamada booliska iyo xarumahooda ku yaal magaalada Bosaso.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM