WFP iyo Puntland oo ka shiray xoojinta mashaariicda horumarineed

Image
Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaardaha Beeraha, Haweenka, Wasiirka Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa qaabilay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP oo ay hogaaminayso Mss Naoe Yakiya  Agaasime ku-xigeenka Hay’adda  WFP Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin masuuliyiinta Xafiiska WFP ee Puntland 

Kulanka ayaa looga hadlay Shaqooyinka ka socda Puntland ee ay taageerto WFP, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa wadashaqaynta WFP iyo Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa WFP uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh  ee ay u fidiyaan Puntland, gaar ahaan dedaalka ay geliyaan Arrimaha bini’aadanimada iyo Mashaariicda horumarineed.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaardaha Beeraha, Haweenka, Wasiirka Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM