WFP iyo Puntland oo ka shiray xoojinta mashaariicda horumarineed

Image
Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaardaha Beeraha, Haweenka, Wasiirka Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa qaabilay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP oo ay hogaaminayso Mss Naoe Yakiya  Agaasime ku-xigeenka Hay’adda  WFP Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin masuuliyiinta Xafiiska WFP ee Puntland 

Kulanka ayaa looga hadlay Shaqooyinka ka socda Puntland ee ay taageerto WFP, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa wadashaqaynta WFP iyo Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa WFP uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh  ee ay u fidiyaan Puntland, gaar ahaan dedaalka ay geliyaan Arrimaha bini’aadanimada iyo Mashaariicda horumarineed.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaardaha Beeraha, Haweenka, Wasiirka Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM