Nin la dhashay gudoomiyihii Mudug oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo
GAALKACYO, Puntland – Nin la dhashay gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland ayaa kamid noqdey dadkii ku geeriyooday is-miidaamintii ay Al-Shabaab maanta ka geysatay waqoyga magaaladda Gaalkacyo.
Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa la xaqiijiyey in guud ahaan ay ku dhinteen shan qof oo ay ku jiraan ilaaladda marxuumka iyo darawalkiisa gaarka ahaa.
Axmed Muuse Nuur-yarre iyo walaalkiisa Maxamed ayaa daqiiqado kahor isku mac-salaameeyay iridka xarunta gobolka oo weerarku ku haleelay, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo.
Sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa, Maxamed oo 64-sano jir ahaa waxaa goobta u taagneyd Bajaaj, isagoo doonayey in uu Isbitaal ku booqdo aabihii uu xanuunsan.
Wadadihii Bajaajta ayaa kamid ah dadka dhaawaca uu kasoo gaarey weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab, ururka xiriirka la leh Al-Qaacida.
Sanadkii 2017-kii, weerar noocaan ah oo Al-Shabaab ay ka fulisay waqoyga magaalada waxaa ku naf-waayey wiil kale oo la dhashay labada marxuum kaas oo xubin ka ahaa Guddiga ammaanka ee gobolka Mudug.
"Puntland tusaale looguma soo qaadan karo"
Tani ayaa macnaheedu yahay in kooxda Al-Shabaab ay nolosha u aqoonsatay saddex walaalo ah. Laba ay hal weerar ku bartilmaameedsatay, halka mid kale ay ku dishay qarax kale sanado kahor.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in maamulka aan lala barbardhigi karin meelaha kale ee dalka.
"Puntland lama mid maaha meelaha kale ee Soomaaliya ee mas'uuliyiinta ay dhegxaanta shubka ah ku hoos-jiraan," ayuu yiri, isagoo muujinaya in ay ka go'an tahay la dagaalanka argagixisada.
Laamaha ammaanka Mudug oo daboolka ka qaadey in ay baaritaano ku bilaabeen qaraxaan ayaa wacad ku maray in ay gacanta kusoo dhigi doonan shaqsiyaadkii maleegay qaraxa lagu dilay gudoomiyaha.
Alle ha u raxmadee, gudoomiye Axmed Muuse Nuur-yarre oo xilkaan loo magacaabay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii ayaa horey uga dhawaajiyey in uu ka badbaadey weeraro loo maleegay.
Weerarkaan ayaa yimid xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay dowladda Puntland qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga Mudug iyo Gaalkacyo. Al-Shabaab aalaba waa looga bartay falalkan xiliyada ay culeys la kulanto.
GAROWE ONLINE