Xaalad adag oo laga soo sheegayo qaybo ka mid ah gobolka Gardafuu

Image

04 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya inay adagtahay xaaladda nolosha dadka ku sugan goobo xiran ka dib Roobab dabaylo watay oo gobolkaasi ka da’ay todobaadkan.

Agaasimaha mashaariicda iyo gurmadka masiibooyinka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cawil Buulo oo caawa waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa tilmaamay inay wadaan qorshayaal lagula tacaalayo xaaladda dadka Roobabku saameeyeen.

Wadooyin muhiim ah ayaa go’ay ka dib daadad soo rogmaday, mana jirto wax gar gaar ah oo ilaa hadda la gaarsiiyay meelaha xaaladda adag laga soo sheegayo ee gobolka Gardafuu.

Cawil Buulo ayaa sheegay inay jiraan hay’ado wax ballan qaaday waloow aysan jirin wax soo galay gacanta guddiga arrintaasi loo xil saaray kuwaasi oo qiimaynaya inta dhibku gaarsiisanyahay sida agaasimuhu sheegay.

Madaxda ugu saraysa ee Puntland weli kama hadlin arrintan marka laga reebo xubno ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo wada qaylo dhaan.

Qaar ka mid ah odoyaasha ku dhaqan goobaha duufaantu saamaysay oo warbaahinta la hadlay  ayaa dowladda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa, waxayna beesha caalamka ka codsadeen taakulayn.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM