Xaalada adag oo laga soo sheegayo deegano ka tirsan gobolka Nugal [Dhagayso]

Image

01 November, 2015(GO)-Abaar xoog leh iyo biyo la’aan ayaa laga soo sheegaya tuulooyin ka tirsan degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugal.

Tuulada Godbo-la isku tumay waxay qiyaastii 45-km u jirtaa degmada Godob-jiraan, waxaan Gudoomiyaheeda oo la hadlay Radio Garowe sheegay in xaaladdu adagtahay.

Cabdicasiis Maxamud Faarax ayaa xusay  in Booyadda biyaha ku timaado 800 oo dollar, maadama aysan lahay ceel biyood, halka ugu dhaw ee biyo laga heli karana tahay degmada Godob-jiiraan.

Dhanka kale, waxaa uu tilmaamay Gudoomiyaha tuulada Godbo inay jirto xaalada Caafimaad darro, isla markaana aysan lahay goob caafimaad.

Xukuumadda ayuu ka codsaday in wax laga qabto xaaladda tuuladaasi, isagoo sheegay inay arrintu sii adkaan karto hadii aysan helin raxmadda ALLE.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli muddo uusan qabsoomin shirka golaha wasiiradda Puntland, isla markaana xukuumaddu ka hadlin xaaladda adag ee laga soo sheegayo gobollada Nugal Bari iyo Sanaag. Ma jirto qoraal rasmi ah oo dowladdu u dirtay wadamada taageera Puntland iyo beesha caalamka, marka laga reebo saraakiil hoose oo la hadlay Idaacadaha goor sii horraysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM