​Xaaladda deegaanka Dharkayn-geenyo oo dagan

Image

LAASCAANO- Xaaladda goobihii lagu dagaallamay gobolka Sool, ayaa maanta daganayd, kadib markii halkaasi gaareen ciidamo katirsan maamulka Soomaliland oo kala dhexgalay mallayshiyo beeleed muddoo labo maalmood ah dagaallamayay.

Xaaji Cabdilaahi Xirsi Aadan, oo kasoo jeeda mid kamid ah beelaha dagaallamaya, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inay socdaan waan waan nabadeed iyo dadaalo lagu joojinayo colaadda.

Wuxuu intaasi raaciyay in dagaalku ka kacay weerar lagu qaaday mid kamid ah duub dhaqameedka labada beelood, isagoo xusay in xilligaas loo fadhiyay kala qaadashada diyo horay labada dhinac u kala qabeen.

Dagaalkan ayaa ku soo noq noqday beelaha dhexdooda, waxayna horay u kala qabeen tabashooyin badan in kastoo marar badan hishiiyeen.

Xaajiga, ayaa tilmaamay inaysan arrintaasi faraha ka laaban doonin, waloow uu sheegay in mallayshiyadu wali hubaysanyihiin islamarkaana adag tahay in la xakameeyo ruux maan gaab ah oo dil u bareeray.

Dubabka dhaqanka ee beelaha dega gobolka Sool, ayuu sheegay inay arrintaasi soo dhexgaleen, isagoo intaasi raaciyay inay maamulka Soomaliland kala hadleen qaabki dhibka dhacay lagu joojin lahaa.

Ma sheegin wax gurmad iyo waaan waan kasoo gaartay dhinaca Puntland, balse wuxuu intaasi raaciyay in odoyaasha dhaqanku lasoo xiriireen xaalkana ka codsadeen dajintiisa.

In kabadan 20 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, waxaana dhaawacmay tiro aan cadadkeeda rasmiga ah lahayn, kadib labo maalmood oo uu socday dagaal la isu adeegsaday hubka culculus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM