Xaaladda degmada Baran gobolka Sanaag oo laga dayrinayo [Dhagayso]

Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha degmada Baran ee gobolka Sanaag Cabdirsaaq Axmed ayaa kadayriyay nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolkaasi kadib abaaro iyo biyo yari soo foodsaartay.

Cabdirsaaq oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inay liidato xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Baran iyo tuulooyin hoos yimaada kuwaasi oo xusay inuu dhawaan kormeer ku tagay.

Wuxuu xusay in booyadda biyaha ah lagu keeno qiima lacageed oo gaaraya ugu badnaan $200 oo u dhiganta afar neef oo Ari ah taas oo laga qaadi doono xilliga wax isbadalaan sida uu sheegayo gudoomiyuhu.

Xaalad caafimaad darro ayuu tilmaamay in dadka soo foodsaareen kuwaasi oo kadhashay biyo la'aanta, isagoo xusay inay direen qaylo dhaan badan.

Duunyada wixii socon karay iyo dadka qaybtiisa ayuu sheegay inay u guureen gobollada kale ee Puntland si ay uga raadsadaan nolol dhaanta mid kajirta Sanaag.

Majirto cid dowladda katirsan oo arrintaasi waxka qabatay, balse gudoomiyaha degmada Baran ayaa sheegaya inay kala xiriireen dhibaatada jirta hay'adda masiibooyinka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM