Xafadaha Magaalada Boosaaso oo la darisaynayo

Image

Waxaa maanta 16 August ,2014  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu daah-furey baarnaamij loogu magac daray  darisaynta xaafadaha Boosaaso kaasi oo loogu tala galay adkaynta ammanka  iyo hormarka xaafadaha Boosaaso.

Xildhibaanka arrimaha bulshada ee Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso C/nuur Gallayr oo u waramayay Garowe Online ayaa sheegay in barnaamijkan laga hir galin doono dhamman 16 xaafaadood ee Boosaaso ka kooban tahay si loo adkeeyo ammaanka iyo hormarka arrimaha asaasiga ah ee bulshadu u baahantahay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay mudooyinkii dambe wadeen qorshayaal lagu tira koobayo dadka ku dhaqan xaafadaha Boosaaso ,taasi oo ugu dambeyntii ku guuleysteen in hawshaasi ay daah furaan oo ay ka hir galiyaan xaafada "Girible B".

"Hadda maanta waxaa la daah furay sidii loogu hawl gali lahaa barnaamijka darisaynta taasi oo loogu tala galay in bulshadu is maamulaan oo maamulka degmada hoos loo daadajiyo" ayuu yiri xildhibaan Gallayr.

Ujeedka barnaamijkan Boosaaso laga daah-furay ayaa lagu sheegay inay ka qayb qaadanayso  adkaynta ammaanka iyo ogaanshaha cid kasta oo ku soo biirta xaafaha sida ay sheegeen maamulka Degmada Boosaaso.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM