Xafiiska difaacaha xuquuqul Aadanaha Puntland oo ka hadlay arrinta VOA

Image

29, Octobar, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabada lagu joojiyay shaqada VOA-du ka haysay deegaanada Puntland.

Hay'adda ayaa arrintaasi ku macnaysay mid aan waafaqsanayn xeerka, dastuurka Puntland iyo shuruucda caalamiga ah, iyadoo lagu tilmaamay inay liddi ku tahay xuquuqda hadalka bulshada.

Xafiiska, ayaa qoraalkiisa kaga codsaday dowladda Puntland in xayiraadda laga qaado, Idaacadda fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, dhawrista shuruucda dalka iyo in xukuumaddu faragalinta ka dayso saxaafadda xorta ah.

Tan iyo markii wasaradda warfaafinta Puntland soo saartay 29 Octobar, 2015, qoraal lagu joojinayo shaqada Idaacadda laanta Afka Somaliga ee VOA,waxaa soo baxayay baaqyo kala duwan oo looga hadlay tallaabada dowladdu ku dhaqaaqday.

Hoos ka akhriso qoraalka uu saaray xafiiska u dooda xuquuqda Aadanaha Puntland ee fadhigiisu yahay magalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM