Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo fasaxey Radio Daljir

Image

GAROWE, Puntland-  Amar kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa dib waxaa loogu ogolaadey in Idaacada Daljir gudato wajibaadkedii Dastuuriga ahaa.

Idaacada Daljir ayaa lagu xirey amar kasoo baxey Madaxweynaha Puntland kadib markii ay wareysi ka qaadey gudoomiyahii hore ee gobolka Barri Candisamad Galan.

Xariga Idaacada oo aan loo cuskan wax sharci ah ayaa waxaa cambaareeyey dhamaan hay'adaha u dooda xuquuqda saxaafada. 

Xariga loo gaysto saxafiyiinta Iyo Idaacadaha ayaa xukuumada maaxweyne Cabdiweli Gaas ku soo oogin wax dambi ah  iyadoo dib xoriyadood ugu soo celisa muddo kadib.

Horey ayey aheyd markii Wariye ka tirsan talefishinka Somali Chanel muddo 15 Cisho ah ugu xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe isaga oo dib xoriyadiisa loo siiyey isaga oo aan lagu soo oogin wax dambi ah. 

Maamulka Radio Daljir oo la soo xiriirey GO ayaa u Mahad celinaya dhamaan dadkii taagerada u muujiyey muddadii ay sharci darada ku xirnaayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM