Dhagayso: Khudbadihii xalay laga jeediyay xafadii madaxtooyadda

Image

October 11, 2014 (GO)- Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu soo dhoweynayey wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe.

Xafladda waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Puntland, Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, xubno metelayey beesha caalamka, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo badan.

Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, Gudoomiyaha Baarlammaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cawad iyo madax kale oo badan ayaa khudbado kala duwan goobta ka jeediyey.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo khudbad dheer xafladda ka jeediyey ayaa ugu horeyn dowladda iyo bulshada Puntland uga mahadceliyey sida diiran ee isaga iyo wagdigiisa magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey.

Intaas kadib wuxuu Puntland ku bogaadiyey kaalinta firfircoon ee ay kasoo qaadatay in Somalia ka baxdo marxaladii kumeel gaarka ahayd iyo weliba hirgelinta nidaamka federaalka, isagoo xusay in qarannimada Somalia Puntland laf dhabar u tahay.

Madaxweyne Gaas oo isagu xafladaas si rasmi ah usoo xiray, wuxuu rajo weyn ka muujiyey wada hadalada maanta u furmaya labada dhinac isagoo  lagama maarmaan ku tilmaamay in laga gudbo khilaafka jira si horay loogu socdo.

Gaas ayaa intaas raaciyey in Puntland  ka go'an tahay midnimada umadda Soomaaliyeed isagoo docda kale lagama maarmaan ku tilmaamay in laga jawaabo tabashooyinka Puntland qabto si meesha looga saaro madmadowga soo kala dhex galay labada dhinac.

Wadahadalo bilow ah ayaa wafdiga uu horkacayo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo xildhibaano ku jiraan iyo madaxda Puntland waxay maanta uga furmi doonaan xarunta madaxtooyada ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM