​Xal laga gaaray mudaharaadka Garowe

Image

GAROWE- Waxaa maanta mar kale ka dhacay magalada Garowe mudahaaraad looga soo horjeed sicir bararka ku yimi maciishadda iyo sarrifka lacagaha qalaad, wuxuuse ka duwan mid 04 bishan ka dhacay afaafka hore ee xarunta Barlamanka ee caasumadda Puntland.

Haweenka iibiya khudaarta iyo hillibka  ayaa saaka go'aan ku gaaray inay xiraan xarumahooda ganacsiga islamarkaana cabasho muujiyaan, muddose hadii ay socotay waxaa arrintaasi soo galay maamulka gobolka Nugal, iyagoo wadahadal la yeeshay dibad-baxayaasha madal ay goob joog ka ahaayeen waxgaradka iyo nabadoonno.

Shir iyo waraysi kadib waxaa la isku wafaqay in xarumaha dib loo furo islamarkaana maamulku dusha u rito in cabashadan wax laga qabto xukuumaddana loo gudbiyo.

Haweenkii mudahaaradayay qaybtood ayaa warbaahinta la hadlay waxayna cadeeyeen arrimaha laga wada hadlay wixii kasoo baxay, iyagoo sheegay in loo ballan qaaday wax ka qabashada arrintan islamarkaana sugayaan jawab dag dag ah.

Kor u kaca sarrifka doollarka ayaa kamid ah waxyaabaha xaaladda kiciyay islamarkaana keenayay inay danyartu maarayn weydo nolosha qoysaskooda wuxaana maanta $100 [Boqol dollar] lagu sarrifayay Labo Malyan iyo Shan boqol oo Kun Shilling Somalia, halka gacanta dambe marayso Labo Malyan iyo Lix Boqol.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay inay dadka cabanaya isku afgarteen in xarumihii la xiray dib loo furo islamarkaana dowladda loo gudbiyo cabashadan.

Intii banaanbaxo socotay waxaa jiray haween la xiray iyo kuwo la jir dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM